Maraykanka ayaa la filayaa inay 24-ka saacadood ee soo socda 4 Maxbuus ku wareejiyaan Dowladda Sacuudiga, sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Aqalka Cad ee Maraykanka.
Waa Wareejintii ugu horreysay tallaabo lagu wado in 19-kale loo wareejiyo ugu yaraan 4 dal oo ay ka mid yihiin Talyaaniga, Imaaraadka Carabta iyo Cummaan, waxaana la filayaa in wareejintaasi la soo gebagebeeyo ka hor inta aan Donald Trump loo caleemo saarin Madaxtinimadda Maraykanka bishan Janaayo 20-da.
Maxaabiista ku xiran Xabsiga Guwatanamo waxaa badankooda la soo xiray wixii ka dambeeyey bishii September 11-dii ee sannadkii 2001-dii oo la qarxiyey Daarihii Mataanaha ee Maraykanka, iyadoo Ururka Alqaacida sheegteen Weeraradaasi.
©Radio Dalsan