Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada Golaha ayaa waxaa uu yahay Akhrinta Koowaad wax ka Badelka Sharciga Burcad Badeedka kaasi oo ka mid ah kuwa ugu xasaasisan dalka, iyadoo Mudanayaasha laba Akhrin kale marsiin doonan.
Sidoo kale Xildhibaanada ayaa inta uu socdo kulanka waxaa kaloo ay dib u eegis ku sameeyn doonaan miisaaniyadda dowladda Federaalka ee sanadkaan 2020 oo horey loo ansixiyay.
Xalay ayaa waxaa Xildhibaanada Golaha Shacabka loo diray fariimo ku aadan in Maanta uu jiro kulan, isla markaana laga doonayo inay soo xaaridan kulankaas, waxaana uu furi doonaa saacado kadib.
Golaha wasiirrada ayaa 31-kii octobar ee sanadkii tagay ee 2019 kii cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2020 oo dhan $469.5 Milyan.