Hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa kulan muhiim ah oo ka qabsoomay xarunta MXQ ee Muqdisho la yeeshay Guddoonka Galaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kulankan ayaa u dhexeeyey Xassan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii sideedaad ee JFS iyo Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii todobaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya haatanna hogaamiya MXQ iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mursal Cabdiraxmaan iyo ku xigeenkiisa koowaad C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey oo ay wehliyaan Xildhobaano ka tirsan Golaha.
Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen, sidii loo maarayn lahaa xaaladda kala guurka ah ee Dalku marayo iyo qabsoomidda Doorasho ku dhacda waqtigeeda loona dhan yahay.
Kulankan oo ka duwanaa kulamadii hore ayay Guddoonka Golaha Shacabka sheegeen inaysan mataleyn, kana socon hey’ad ka baxsan hey’adda ay Guddoonka u yihiin ee Golaha Shacabka, waxaana Madashu gaarsiisay labadda masuul mawqifkeeda ku aadan doorashooyinka dalka.
Wuxuu Guddoonku sheegay in lama huraan ay tahay in xilligan adag ee kala guurka ah ay diyaar u yihiin in Waddanka xasilloonidiisa laga shaqeeyo laguna dadaalo sidii doorashada loogu qaban lahaa waqtigeedii.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sidoo kale is tusay sida ay muhiim u tahay in laga fogaado wax walba oo keeni kara qalalaase dastuuri maadaama uu dalku ku jiro marxalad kala guur ah loona baahan yahay in si nabad ah looga samata bixiyo dalka iyo dadka Somaaliyeed.
Madasha Xisbiyada Qaran ayaa horay usoo saartay baaqyo ku aadan in si nabad ah looga shaqeeyo mar xaladda kala guur ah ee dalka iyo in loo is taago sidii loo hirgalin lahaa doorasho loo dhan yahay oo ku qabsoonta waqtigeeda.