Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wakiillada Puntland?

Fadhiga 17-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1aad Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 42 Mudane ayaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland ku soo gudbiyeen Tallo-soo jeedinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ee soo hor-marinta Qodobka 13 Ajandaha oo ka hadlaya heshiiska Puntland iyo P&O Port ( DP-World) Dekadda Boosaaso, iyagoo ugu dambeyntiina cod gacan-taag ah ku oggolaadeen 38 Mudane, cid diidayna ma jirin, waxaana ka aamus 4 Mudane.

Sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaannada ayaa dood ka yeelanaya maalinta Sabti oo Taariikhdu tahay November 28, 2020.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media