Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Xaruntooda Magaalada Muqdisho ku yeeshay kulankii 28aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare.
Ajandaha kulanka ayaa waxaa uu ahaa Akhrinta 2aad ee Hindise- sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.
Kulanka ayaa waxaa Shir Guddoominayay Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ay wehlinayeen Guddomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Moowlid xuseen Guhaad.
Waxaa hor-yimid Golaha Aqalka Sare Wasiirka Wasaarada Gaashandhiga XFS Mudane Xassan Cali Maxamed ,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble.
Guddomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ayaa ka hor akhriyay Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise- sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.
Ugu dambeyntii Senarada Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa dood adeg ka yeeshay Akhrinta 2aad ee Hindise- sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.