Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta oo sabti ah kulankii 1-aad ee Kal-fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa dhaarinta Xeer ilaaliyaha Guud ee Galmudug, kaalinta Sharci-dejinta ee Baarlamaanka, Faalada Buuga Hagaha Golaha, iyo Qaab dhismeedka Siyaasadeed ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal uu ku dhaariyay Xeer ilaaliyaha Guud ee Maamulkaas Cabdi Casiis Nuur Xuseen, kaasi oo dhawaan la Magacaabay.
Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa horyaalla shaqooyin dhowr ah iyo sharciyo kala duwan oo laga doonayo inay ku ansixiyaan Kal-fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka oo Khamiistii lasoo dhaafay furmay.