Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Axmed Jindi oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa ka hadlay Magacaabista Guddiga soo xulista Baarlamaanka labaad ee Maamulka Hirshabeelle.
Xildhibaan Cabdirisaaq Jindi oo wareysi siiyay Telefashinka Dalsan ayaa waxaa uu soo dhaweeyay Guddiga Farsamada ee soo xulista Baarlamaanka ee uu xalay Magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.
Waxaa uu sheegay Xildhibaan Jindi in Maamulka Hirshabeelle uu qaaday tallaabo wanaagsan oo loo baahnaa xiligaan, maadaama muddo xileedka Madaxda maamulkaas uu ka harsan yahay waqti kooban, loona diyaar garoobayo Doorashada Maamulka.
Soo Magacaabista Guddiga ayuu sheegay in sida uu qabo Dastuurka Hirshabeelle uu Madaxweynaha u madax banaan yahay inuu Magacaabo Guddiga soo xulista Baarlamaanka labaad, isagoo latashi la sameeynayo Madaxweyne ku-xigeenka.
Ugu dambeyn Cabdirisaaq Maxamed Jindi ayaa tilmaamay in uusan jirin Khilaaf ka dhashay magacaabista Guddiga farsamada ee soo xulista Baarlamaanka Hirshabeelle oo ka kooban 11-xubnood, isagoona soo dhaweeyay tallaabada uu qaaday Maamulkaas.
Si kastaba Maamulka Hirshabeelle ayaa horey u sheegay inay wadaan diyaar garoow ku aaadan sidii ay u qaban lahaayeen Doorashada Maamulkaas, iyagoona tilmaamay in aysan dooneyn muddo kororsi ah.