• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Friday, July 4, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Maxaa laga filan karaa Shirka Wada-tashiga Qaranka ee Kismaayo?

Dalsan Editor by Dalsan Editor
January 14, 2016
in Warar
Reading Time: 4 mins read
A A
3
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxda Qaranka iyo kuwa Dowlad-gobaleedyadda ayaa waxa maanta uga furmay magaalladda Kismaayo Wareeg ka mid ah Kulamadda Golaha Wada-tashiga Qaranka oo looga arrinnsanayo Aayaha Qaranka.

Madasha Shirka waxa uu u muuqday mid Nidaamsan, isla markaana ay Madaxdu u muuqdaan kuwo u hamuun qaba in uu Kulankooda ka soo baxo Natiijooyin u wanaagsan Dadka iyo Dalka Hooyo.

madaxdaMas’uuliyiinta Soomaalida oo keliya ayaana Madasha ku wada sugan, iyadoo uu Hoggaamiye kasta doonayo inuu ka hadlo Aragtidiisa Siyaasadda iyo Nidaamka Doorashadda iyo Awood-qeybsiga Maamulka Qaranka.

Waa hubaal inuu Hoggaamiye kasta qalbadda ku hayo Qoddobo u qarsoon, oo ku aadan Aragtidiisa, Hankiisa Siyaasadda iyo Kaalintiisa ku aadan Doorashadda Qaranka ee dhici doonto bisha September ee sannadkan.

Madaxda Qaranka waxay hanka ku hayaan ugu yaraan in mar kale Xilalka ay haatan hayaan loo soo dooran doono, si aysan uga hoobanin Masraxa Siyaasadda iyo Loolanka Doorashadda Madaxtinimadda.

Madaxda Dowlad-gobaleedyadda waxa dhamaantooda ka siman yihiin Hamiga Siyaasadeed ee gaarsiisan Heerka Qaran, gaar ahaan Madaxweynayaasha Dowlad-gobaleedyadda ee horey Xilal Qaran uga soo qabtay Dowladihii KMG iyo Dowladda Federalka.

Waxaa la tilmaamaa inay Hamigaasi si gaar ah ugu jiro Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali “Gaas” oo Xilka Ra’isul-wasaare Qaran ka soo qabtay Dowladdii KMG ee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed  iyo Madaxweynaha Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed oo isagana Wasiirkii Amniga Qaranka ka soo noqday Dowladda Federalka ee haatan talada hayso ee uu Madaxweyne ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.

Inkastoo Shirka Wada-tashiga ee ka socda Kismaayo looga hadlaynin Ajendo ku salaysan Doorashadda Madaxweynaha soo socda, haddana waxa uu Hoggaamiye kasta doonayaa inuu Shirka Wada-tashiga ku biiriyo Aragtidiisa uu u arko inay noqon karaan Buundo Siyaasadeed uu ugu tabaabusheysanayo Doorashooyinka Qaranka ee soo socda.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inuu Calaw-siyaasadeed badan ka dhex jiro Qoddobadda ay Golaha Wada-tashiga Qaranka ka arrinsadaan, waayo weli lama qeexin inuu Madaxweyne Gobaleed isku soo taagi karo Doorashooyinka Qaranka iyo  Inuu Labada Xi lee Qaranka iyo Gobalka isku sii hayn karo.

Qoddobkaasi iyo kuwo kale oo la halmaala ayaana u baahan in ay Guddiga Wada-tashiga Qaranka ka baaraan-degaan, si aysan dodo kale u dillaacin marka la gaaro Xilliga Doorashooyinka.

Madaxda ku shirsan Kismaayo waxay culayska koowaad saarayaan Nidaamka Doorashooyinka iyo Awood-qeybsiga Xilalka Qaranka, taasi oo ay ku kala qeybsan yihiin.

Qaar waxay ku dhegan yihiin in lagu sii dhaqmo Nidaamka Awood-qeybsiga Beelaha ee 4.5, halka kuwa kalena carcar u qabaan in la tijaabiyo Nidaamka Deegaanka.

Marka la taxliiliyo biyo-dhaca Labadaasi Aragti, waxay ugu dambeyntii ku soo biyo shubanayaan Hal Aragti iyo Hal Madal oo uu marjaceedu noqonayo Nidaam Qabiil Deegaameed.

Soomaalida waxay ku maahmaahdaa Ood qaadisteeda iyo Jiidisteeda waa isla guri-geyntii, waxaana habboon inay Golaha Wada-tashiga Qaranka wada fahmaan in aysan kala duwanayn Awood-qeybsiga Nidaamka Beelaha iyo Awood-qeybsiga Nidaamka Deegaameedka.

Xeeldheerayaasha ayaana u arka inay Hoggaamiyayaasha Siyaasadda waqti badan ku luminayaan Is-jiidjiidka Siyaasada, iyagoo og inay isku micno iyo isku hadaf yihiin  Nidaamka Awood-qeybsiga Beelaha iyo Nidaamka Deegaanka.

Siyaasiyiinta Madaxa Bannaan ayaa rumeysan in Nidaamka Awood-qeybsiga Beelaha ee 4.5 habboon tahay in lagu sii dhaqmo, iyadoo la isku dheelitirayo Beelaha, lagana dhigo Awood-qeybsiga Nidaamka Beelaha ee Shanta Beelood, waayo Beelaha Soomaalida waxay u wada siman yihiin Dhalashadda Soomaalinimadda iyo Awoodaha Qaranka.

Markaynu doc kasta ka eegno, Hoggaamiyayaasha ka qeyb galayo Shirka Wada-tashiga Qaranka ee ka socda magaalladda Kismaayo waxaa la gudboon inay Danaha Khaaska ka horumariyaan Danaha Qaranka, la iskana ilaaliyo Isbaaro-siyaasadeed, Sed-bursi Kooxeed ama Beeleed iyo inay Shaqsiyaad kooban khatar geliyaan Masiirka Dowladnimo  iyo Mustaqbalka Dadka iyo Dalka Somalia.

©Radio Dalsan    

Previous Post

Madaxweynaha: “Waxaan ku rajo weynahay in natiijo lagu wada farxo ay ka soo baxdo Madasha Wadatashiga Qaranka ee Kismaayo”.

Next Post

DEG DEG: Qaraxyo iyo Weerar xoogan oo lagu qaaday Xerada AMISOM Ee Ceel Cade

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor

July 3, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran

July 3, 2025
Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo Bilaabay Is-diiwaangelinta Doorashada Deegaanka
Warar

Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo Bilaabay Is-diiwaangelinta Doorashada Deegaanka

July 3, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka oo Kulan Xasaasi ah Ku Leh Caasimadda
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madasha Mucaaradka oo Kulan Xasaasi ah Ku Leh Caasimadda

July 3, 2025
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Iskaashi Laba Geesood ah oo Ku Saabsan Dhaqaalaha Buluugga ah
Warar

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Iskaashi Laba Geesood ah oo Ku Saabsan Dhaqaalaha Buluugga ah

July 3, 2025
Israa’iil oo ku hanjabtay Jawaab Milatari oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen kadib Gantaal laga soo riday
Caalamka

Israa’iil oo ku hanjabtay Jawaab Milatari oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen kadib Gantaal laga soo riday

July 3, 2025
Next Post

DEG DEG: Qaraxyo iyo Weerar xoogan oo lagu qaaday Xerada AMISOM Ee Ceel Cade

Hope in Sight: Hundreds in Warshiikh Receive Free Eye Treatment from Volunteer Doctors

Hope in Sight: Hundreds in Warshiikh Receive Free Eye Treatment from Volunteer Doctors

by Gesey Liban
July 4, 2025
0

Warshiikh, Somalia - In a powerful show of community-driven healthcare, a team of volunteer Somali eye doctors brought life-changing medical...

Somalia and Egypt Sign Key Memorandum of Understanding on Justice and Labour Mobility

Somalia and Egypt Sign Key Memorandum of Understanding on Justice and Labour Mobility

by Gesey Liban
July 4, 2025
0

Mogadishu, Somalia – The Council of Ministers of the Federal Government of Somalia, chaired by Prime Minister Hamza Abdi Barre,...

Council of Ministers Approves Nine Candidates for National Human Rights Commission

Council of Ministers Approves Nine Candidates for National Human Rights Commission

by Gesey Liban
July 4, 2025
0

The Council of Ministers of the Federal Government of Somalia has unanimously approved the nomination of nine candidates to serve...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor

by Ilhaan
July 3, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah tababar ugu soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno...

Hope in Sight: Hundreds in Warshiikh Receive Free Eye Treatment from Volunteer Doctors
English News

Hope in Sight: Hundreds in Warshiikh Receive Free Eye Treatment from Volunteer Doctors

July 4, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and Egypt Sign Key Memorandum of Understanding on Justice and Labour Mobility
English News

Somalia and Egypt Sign Key Memorandum of Understanding on Justice and Labour Mobility

July 4, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Council of Ministers Approves Nine Candidates for National Human Rights Commission
English News

Council of Ministers Approves Nine Candidates for National Human Rights Commission

July 4, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor

July 3, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran

July 3, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo Bilaabay Is-diiwaangelinta Doorashada Deegaanka
Warar

Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo Bilaabay Is-diiwaangelinta Doorashada Deegaanka

July 3, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Hope in Sight: Hundreds in Warshiikh Receive Free Eye Treatment from Volunteer Doctors
  • Somalia and Egypt Sign Key Memorandum of Understanding on Justice and Labour Mobility
  • Council of Ministers Approves Nine Candidates for National Human Rights Commission
  • Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00