Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta oo tallaado ah ka hadlay Arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya iyo tartanka adeg ay Musharaxiinta u geli doonaan Doorashooyinka ka dhacaya Muqdisho.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Musharax kasta oo u tartamaya Doorashada inuu u furan yahay inuu kusoo bandhigto Magaalada Muqdisho ololihiisa Doorashada, isla markaana Musharaxiinta ay waddooyinka ku dhagsan karaan Boorarkooda.
Maamulka Gobolka ayuu Afhyeen Salaax Xasan Cumar Saalax Dheere sheegay in uusan wax shuruud ah ku xiri dooni Musharaxiinta ololahooda iyo aragtidooda ku aadan Doorashada kusoo bandhigaya Caasimadda dalka ee Muqdisho.
Saalax Dheere ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka uusan marnaba aqbali doonin in Caasimadda laga abuuro xaalad siyaasadeed oo sababi karta qalalaasi, wuxuuna ka digay Musharaxiinta inay sameeyaan wax kasta oo keeni kara amni darro.
Afhayeenka Maamulka ayaa Carabka ku dhuftay in lala xisaabtami doono cidkaste oo isku dayda in ay qalqal galiso amniga Caasimadda dalka ee Muqdisho ama abuurta falal la xariira xasiloonidaro.
Ugu dambeyn Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay ay ka go’an tahay sidii Muqdisho u marti gelin laheyn doorashooyinka ka dhacaya, isagoo xusay inay ka shaqeyn doonaan sidii ay u dhici laheyd doorasho xor oo si nabad ah ku dhacda.