Wararka aan ka heleyno deegaan hoostega degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed oo halkaas wada-dega.
Dagaalkan ayaa sigaar ah uga socda deegaanka lagu magacaabo Nagaarta oo hoostega degmada Matabaan, waxaana uu bilowday Casirliiqiiรย galabta, iyadoona la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaalkaan ayaa salka ku haaya arrimo la xiriira baraago biyo laga cabo oo dhawaan xal laga gaaray, isla markaana heshiis la dhex dhigay maleeshiyaad uu dagaalka u dhexeeyo, balse mar qura laga war helay rasaas xoogan oo labada dhinac ay isdhaafsanayaan.
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda deegaanka Nagaarta oo hoostega degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana dadka deegaanka qaarkood ay soo werinayaan in xaalad kacsanaan ah halkaas ay ka jirto.
Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa horey uga dhacay dagaal beeleedyo iyo dilal la xiriiray aano qabiil, iyadoona marar kala duwan la isku dayay in xal laga gaaro dagaal beeleedyadan soo laab-laabtay, wallow aan lagu guuleysan arrintaas.