Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa ka jawaabay warar saacadihii lasoo dhaafay lagu baahiyay Baraha bulshada kuwaas oo ku aaddan qorshe ay damacsanyihiin guddiga oo la xiriira in dib u dhac doorasho ay ku dhawaaqayaan.
War kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in ay waxba kama jiraan yihiin wararkaas la isla dhexmarayo baraha Bulshada eek u aaddan in guddigu uu ku dhawaaqayo dib u dhac doorashada soo socota ee 2020/2021 sababo la xiriira xanuunka Coronavirus.
”Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka waxa uu Umadda Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in wararka ah in Guddigu ku dhawaaqi rabo dib u dhac Doorasho uu yahay war been abuur ah oo sal iyo raad aan lahayn ayaa lagu yiri” Qoraalka Guddiga.
Hadalka guddiga ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyada oo saacadihii lasoo dhaafay si weyn baraha Bulshada la iskula dhexmarayay go’aan kasoo baxi kara guddiga doorashooyinka oo ku aaddan dib u dhac doorasho iyada oo arrimahaas ay gaashanka ku dhifteen guddigu.