Faahfaahin: Duqeyn iyo Hawlgal xalay laga fuliyey Deegaanka Torotoorow.

Komaandooska XDS iyo kuwo Ajaaniib ah ayaa waxay xalay Diyaarado kaga degteen Deegaanka Toorotoorow ee Gobalka Sh/hoose oo ay Alshabaab ku xooggan yihiin.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay inay Komaandooska dagaal la galeen Alshabaabka ku sugnaa Deegaankaas, ka hor intaysan fulin Hawlgal Khaas ah oo ay ku beegsadeen Saraakiil ka tirsan Alshabaab oo ay baadi-goobayeen.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan inay Komaandooska oo ay Diyaaradaha Helikoptarada dusha ka ilaalinayey ay galeen Xabsi ay Alshabaab ku xiraan, oo ay kala soo baxeen dadka halkaasi ku xirnaa.

Warar Loo-qaateen ah ayaa sheegayo inay Hawlgalkaasi ka qeyb galeen Ciiddan Khaas oo ka tirsan Komaandooska Maraykanka ee fariisinkooda dhexe yahay Garoonka Diyaaradaha Milliteriga ee Balli-doogle.

Ilaa iyo haatan, Taliska Wasaaradda Gaashaandhiga ee Xukuumadda Federalka Somalia kama hadlin Hawlgalkii xalay lagu beegsaday Fariisinka ay Alshabaab ku leeyihiin Deegaanka Torotoorow ee Gobalka Sh/hoose.

Dhinaca kale, Warbaahinta Alshabaab ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarkii xalay lagu soo qaaday Fariisinkooda weyn ee Deegaanka Toorotoorow, balse, lama sheegin khasaaraha ka dhashay Hawlgalkaasi.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay Komaandooska XDS iyo kuwa Maraykanka si wadajir ah weeraraan Fariisimadda Alshabaab ku leeyihiin qeybo ka mid ah Gobalka Sh/hoose.

Bishii March ee sannadkan, waxay Hawlgal Qorsheysan ku qaadeen Saldhig ay Alshabaab ku lahaayeen Deegaanka Jannaale, halkaasi oo la sheegay in lagu dilay ilaa 10 Sarkaal oo ka tirsanaa Alshabaab.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor