Maanta ayaa dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada xoogga dalka iyo Al-Shabaab waxa uu ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan kaas oo geystay khasaaro isugu jira iyo dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka oratan oo dhaxeeya deegaanada madhooy iyo hees ee Gobolka Hiiraan,kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ka baxay Baladweyne ay wadada u galeen Al-Shabaab.
Taliyaha Guutada Shanaad ee Gobolka Hiiraan Faarax Cali Waasuge iyo Taliyaha qeybta 27aad ee Gobolka Hiiraan Janeraal Maxamed Axmed Tareedisho oo siwadajir ah ula hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay soo bandhigeen Hub ay sheegeen in ay Al-Shabaab uga qabsadeen dagaalkii Maanta.
Taliyaha Guutada Shanaad ee Gobolka Hiiraan Faarax Cali Waasuge ayaa sheegay in dagaalkii ay la galeen Ciidamada Dowladda Al-Shabaab ay guulo ka gaareen,isla markaana ay weli sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Dhinaca kale Taliyaha qeybta 27aad ee Gobolka Hiiraan Janeraal Maxamed Axmed Tareedisho ayaa sheegay in howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu amarkiisa bixiyay Abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka,isla markaana dagaalkii Maanta ay hub farabadan ku qabsadeen.
Warkaan ka soo baxay Taliska Ciidamada xoogga dalka ee Gobolka Hiiraan weli wax jawaab ah kama bixin Al-Shabaab oo dagaal xooggan la galay Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codadka Taliyeyaasha.