Xildhibaan Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa noqday Mas’uulkii ugu horreeyay ee dib usoo celiya Hanti la sheegay in dowladda Soomaaliya ay leedahay, oo Hanti-dhowrka guud uu amray in dib loo soo celiyo Hantidaasi.
Xildhibaanka ayaa soo celiyay gaari ay lahayd Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, waxaana horay Hantidhowrka guud uu sheegay in dhammaan mas’uuliyiinta ay ku maqan tahay Hantida Dowladda ay kusoo celiyaan muddo Toban maal mooda ah.
Mas’uuliyiinta la sheegay in ay ku maqan tahay hanti Dowladeed oo u badan gaadiid ayaa waxaa ka mid ahaa wasiiro iyo Xildhibaanno, kuwaasi oo qar kood xilal ay ka hayaan dowladda Soomaaliya.