Guddoomiye ku-xigerenka labaad ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Galmudug oo Maanta lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb.
Guddoomiye Mahad Cabdala Cawad ayaa waxaa uu sheegay inuu hambalyo iyo boggaadin u dirayo Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, kaasi oo daqiiqado kahor ay doorteen Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.
Sidoo kale Guddoomiye Cawad ayaa Madaxweye Qoorqoor ayaa Alle uga baryay inuu u fududeeyo xilka Cusub ee loo doortay, waxaana Glmudug uu hogaamin doonaa afarta sano ee soo socda.
“Waxaan hambalyo iyo boogaadin u dirayaa Madaxweynaha cusub ee Dowladgoboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaarshe ‘Qoorqoor’. Waxaan sida oo kale leeyahay hambalyo Baarlamaanka 2aad ee Galmudug oo gutay waajibkiisa iyo shacabka reer Galmudug meel walba oo ay joogaanba. Waxaan Madaxweynaha cusub Ilaahey SWT uga baryayaa inuu xilka ku xafido, kana dhigo kii dowladgoboleedku ku degi lahaa” ayuu yiri Guddoomiye Mahad Cabdalaha Cawad.
Axmed Cabdi Kaariye ayaa la tartamay ilaa iyo saddex Musharax, waxaana uu helay 66 Cod, waxaana Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug uu ku dhawaaqay in Qoorqoor uu noqday Madaxweynaha Cusub ee maamulka Galmudug.