Madaxweynaha Maraykanka ayaa iska diiday inuu ka qeyb galo Kulan khaas oo ay Afhayeenadda Aqalka Wakiilladda ee dalkaasi, Nansi Pelosi guddoomin lahayd, kaasi oo ay Xildhibaanadda Aqalka Dimuqraadiga kaga xaajoon lahaayeen Baaritaanada lagu hayo Maamulka Trump iyo in la furo dooda ku aadan Ficilka Mooshinka isaga laga keenay.
Xildhibaanad ka tirsan Aqalka Wakiilladda ee dalkaasi oo lagu magacaabo Frederika Wilson ayaa sheegtay inuu Madaxweyne Trump dagaal gelin doono Maraykanka, isagoo tuhun ka qaba inay Mudanayaasha Dimuqraadiga ka keeni doonaan Mooshin Xilka looga qadaayo.
Xildhibaanadda oo la hadashay Wargeyska The Hill waxay intaasi ku dartay haddii xilli dagaal la galo inaysan Dadka Maraykanka oggolaan doonin in Moshin laga keeno Madaxweynaha xilliga colaadda.
Dhinaca kale, Waaxda Difaaca Maraykanka ayaa laga codsaday inay Kumanaan ciiddamo dheeraad ah loo diro Bariga Dhexe, si loogu xoojiyo Ciiddanka Maraykanka ee loo diyaariyey Dagaal ka dhan ah Iiraan.
Ilaa 5,000 Askari oo dheeraad ah ayaa la filayaa in loo daad-gureeyo dalalka Bariga Dhexe, waxaana laga yaabaa ina tiradooda la gaarsiiyo 10,000 oo Askari.