Mas’uuliyiinta Degmo ka tirsan G/Baay oo la Qarxiyay iyo Khasaaro ka dhashay

Faah faahino ayaa laga helayaa Qarax xoogan oo duhirnimadii Maanta lala eegtay Mas’uuliyiinta ugu sarreeysa Maamulka degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay gaari Tikniko ah oo ay la socdeen Guddoomiyaha degmada Qansax-dheere, ku-xigeenkiisa, xubno kale oo ka tirsan Maamulka iyo Askar Ilaalo u aheyd.

Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in jugta qaraxa laga maqlay inta badan xaafadaha degmada, kadibna la maqlay dhawaqa rasaas farabadan oo ay fureen Ciidamo ka tirsan kuwa Qansax-dheere.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahood dhinaca Qadka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxa lala eegtay Mas’uuliyiinta ugu sarreeysay degmadas, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale Shabaabka ayaa sheegtay in qaraxaas ay ku dileen Guddoomiye ku-xigeenkii degmada Qansax-dheere oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Yuusuf iyo Askar ilaalo aheyd oo saarnaa gaariga qaraxu qabsaday, sidoo kalena uu dhaawac soo gaaray Guddoomiyaha degmadaas.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo ka Qansax-dheere oo ay uga hadlayaan qaraxii Maanta ka dhacay gudaha degmadaas ee geystay Khasaaraha kala duwan.

Comments
Loading...