Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay soo Caga dhigatay diyaaradda Turkish Airlines, taasi oo siday Dad Soomaali ah oo isugu jiray Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dad shacab ah oo xanibnaa dalka Turkiga.
Diyaaradda ayaa keentay Muqdisho dad ku dhow 58 qof oo Soomaali ah kuwaasi oo uu sameeyay xayiraada ka dhalatay Cudurka Coronavirus oo kusii faafaya aduunka oo dhan, iyagoona muddooyinkii dambe ku sugnaa dalka Turkiga.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Mas’uuliyiinta xalay dalka kasoo degay ay kamid ahaayeen Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi xaashi Cabdullaahi.
Sidoo kale Diyaaradda Turkish Airlines ayaa xalay Muqdisho ka qaaday 101 Muwaadiniin Turki ah oo ku sugnaa Muqdisho, iyagoo go’aan ku gaaray inay dib ugu laabtaan dalkooda, waxaana dadka horey u raacay Diyaaradda kamid ahaa Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre.
Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiga dalka Turkiga Jaamac Caydiid ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga sida wanaagsan ay u fududeysay in dalkaas laga soo qaado dadka Soomaali ah oo ku xayirnaa, iyadoo la joojiyay duulimaadyada Caalamiga ah.