Mas’uuliyiin booqday goobtii lagu dilay raggii dhalinyarada ahaa

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan, Xildhibaan Cabduqaadir Carabow Ibraahim, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale ayaa  Maanta booqday Goobtii lagu dilay ragii dhaliyarada ahaa ee ka shaqeynayay Xarun Caafimaad oo ku taalla deegaanka Gololeey ee duleedka Degmada Balcad ee Shabeellaha Dhexe.

Mas’uuliyiitan oo xalay ku hoyday Balcad ayaa deegaanka Gololeey Maanta u tegay sidii xog badan uga soo ogaan lahaayeen dhacdadii naxdinta laheyd ee maalmo kahor lagu dilay 8 dhalinyaro ah, kuwaasi oo Meydadkooda lasoo dhigay duleedka deegaankaas.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta ayaa inta ku sugan yihiin Gololeey waxaa ayn kulamo kala duwan la qaadan doonaan dadka deegaanka iyo dadkii inta uusan falka dhicin ku sugnaa Xarunta Cafimaad ee laga watay 8-da Ruux.

Guddoomiye Axmed Faal iyo xubno kale ayaa xalay ilaa iyo saakay Degmada Balcad kula kulmay Maamulka degmada, Odayaal dhaqameed  iyo qaar kamid ah Ehelada dadka la dilay, iyagoo ka waday sidii baaritaano dhab ah loogu sameeyn lahaa dhacdadaas.

Si kastaba dilka wadareedka loo geystay raggaas dhalinyarada ayaa waxaa ku yimid sida la sheegay, kadib markii maalin kahor falka inta uusan dhicin Ciidamo ka tirsan Milateriga dowladda Federaalka qarax lagula eegtay duleedka Balcad.

Comments
Loading...