Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Jimcaale ayaa Xukuumaddii hore ee Xasan Cali Kheyre ku eedeeyay in laga dhaxlay dhaqan xumo dowladeed, ayna shuruucdii dalka ku tumatay.
Cabdullaahi Jimcaale oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Xukuumaddii Kheyre ay ku jirtay Wasaarad uu ku tilmaamay mid sharci darro aheyd, taasi uu ku sheegay inay tahay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.
Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha Hay’adda in dhismaha Wasaaraddaas ay sharci darro tahay, wuxuuna xusay inay horey u jirtay Hay’adda Maareynta Qaranka, isla markaana sharci ahaanteeda la ansixiyay.
“Dhibaatooyin dhaqan xumo dowladeed ayaa laga dhaxlay Xukuumadii RW Kheyre dhaqan xumadaasna waxa ay isugu jirtaa labo arimood arinta koowaad ayaa ah Shuruucdii dalka iyo Dastuurki oo lagu tuntay, isagoo magacaabay Wasaarad aan sharci aheyn, uuna u wareejiyay dhaqaalihii Hay’adda Maareynta” ayuu yiri Jimcaale.
Ugu dambeyn Cabdullaahi Maxamed Jimcaale ayaa waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uga digay inuu soo magacaabo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.