Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta soo saaray Qoraalka faafinta iyo dhaqangalinta heshiiskii siyaasadeed ee la xiriiray doorashooyinka 2020/2021 oo ay 1-dii October gaareen Madasha Qaranka.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa marka hore Madaxweyne Farmaajo uga mahadceliyay tanaasulkii weynaa ee uu sameeyay, si loo fuliyo heshiiskii laga gaaray Doorashada, sidoo kalena u mahadceliyay Madaxda maamul Goboleedyada iyo Duqa Muqdisho.
Heshiiska hanaanka Doorashada dalka ee xiligaan ayuu Rooble ku sheegay inuu ku hormarsan yahay hanaankii doorashadii sanadkii 2017, isagoona xusay in arrintaan ay gogol xaar u tahay in dalka ay ka dhacdo marka la gaaro 2024/25 Doorasho qof iyo Cod ah.
“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo eegaysa muhiimadda ay leedahay in doorashooyin xalaal ah oo daahfuran dalka ka dhacaan, ay ku wargalineyso dhammaan hay’adaha kala duwan ee qaranka ee ku shaqada leh arrimaha doorashooyinka iney waajibaadka kaga aaddan u gutaan si waafaqsan habraacyada doorashooyinka ee lagu heshiiyey” ayuu yiri Maxamed Rooble.
Isaga oo sii hadlaayay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu tilmaamay in Xukuumaddiisa ay hogaamin doonto geedi socodka Doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana doorashada dalka Soomaaliya ku dhacdo si nabad ah.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay ka qeyb qaatan habsami u socodka Doorashooyinka dalka, kuwaasi oo bilaabanaya bisha soo socota ee sanadkaan 2020.