• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, July 17, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Mashruuc shaqooyin lagu siinayo gabdhaha jaamacadaha ka baxay oo Muqdisho lagu daah-rogay

Dalsan Editor by Dalsan Editor
May 13, 2015
in Warar
Reading Time: 5 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Mashruuc shaqo lagu siinayo gabdhaha ka qalinjebiyay jaamacadaha ayaa
maanta laga furay magaalada Muqdisho. Mashruucan oo ay iska
kaashanayaan Hay’adda Iftin Foundation, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed
iyo Dalladda Jaamacadaha Soomaaliyeed ayaa loogu talo galay in la
suurtogeliyo in gabdhuhu ay shaqooyin ka helaan shirkadaha, hay’adaha,
goobaha waxbarashada, dowladda iyo guud ahaan  inta shaqooyinka
bixisa.

Waxaa halkaasi lagu soo bandhigay daraasad ka hadleyso heerka
shaqo-helista ee gabdhaha jaamacadaha ka baxay, waxaana daraasadda
lagu soo ogaaday cabaqadaha ugu waaweyn ee gabdhaha ka haysta inay
shaqo helaan, caqabadahaas oo isugu jira kuwa gabdhaha naftooda xiriir
la leh, kuwo la xiriira shirkadaha iyo kuwo la xiriira dhaqanka
Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale halkaasi lagu soo bandhigay website la yiraahdo
fursad.so oo loogu talo galay in gabdhaha jaamacadaha ka baxay ay ku
soo bandhigan karaan CV-gooda, sidoo kale shirkadaha iyo hay’adaha
shaqada bixiyana ay ka heli karaan gabdhaha ay doonayaan inay shaqo
siiyaan. Waxaa sidoo kale daaha laga rogay nidaam SMS ah oo dadka
shaqo-doonka ahi ay ku heli karaan shaqooyinka ka bannaan shirkadaha
iyo hay’adaha, kaasoo adeegsanaya farriinta gaaban ee SMS-ka loo
yaqaano.

Mudane C/raxmaan Galaambe oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga
ayaa sheegay in Rugtu ay horay u billowday mashruuc noocan oo kale ah
oo shaqo lagu siinayo gabdhaha.

Guddoomiyaha Jaamacadda Soomaaliya, Md. C/raxmaan Ablaal ayaa yiri “20
sano ka hor waxaan u doodi jirnay in gabdhaha la keeno dugsiyada. 10
sano ka hor waxaan u doodi jirnay in gabdhaha jaamacado la geeyo,
haddana waxay mareysaa in gabdhaha shaqo la siiyo”.

Intii ay xafladdu socotay illaa 3 shirkadood ayaa ballanqaaday inay
shaqaaleysiin doonaan qaar ka mid ah gabdhaha ka soo qalinjebiyay
jaamacadaha. Waxaa kaloo jira hay’ado ballanqaaday inay gabdhaha siin
doonaan waayo-aragnimo (internship). “Waxaa muhiim ah in hay’aduhu
isku qoraan inay shaqaaleysiinayaan gabdhaha. Illaa sidaas laga
sameeyo lama xallin doono arrintan” ayuu yiri agaasimaha Dalladda
Bulshada Rayidka ee SOSCENSA.

Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka, Cali Dheere, ayaa sheegay in
25% shaqaalah dowladda ay dumar yihiin, u u badan kuwa aan shahaado
haysan. Wuxuu xusay ina muhiim tahay in fursado shaqo loo abuuro
gabdhaha waxbartay iyo kuwa aan waxbaranba.

Wasiir hore Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay inay muhiim tahay in
la taageero olole noocan oo kale ah. Waxaa sidoo kale ka hadlay
agaasimaha waaxda waxbarashada dadban ee Wasaaradda Waxbarashada iyo
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka oo sheegay inay muhiim tahay in
la taageero mashruucan.

Aweys Sheekh Xaddaad, agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo
Arrimaha Bulshada ayaa xafladda lagu soo xiray ayaa sheegay inay
muhiim tahay dowladdu u dooddo xuquuqda shaqaalaha dowladda iyo kuwa
ka shaqeeya shirkadaha iyo hay’adaha. Wuxuu sheegay inay sameyn
doonaan sharciyo dhiirrigelinaya in gabdhuhu ay shaqooyin helaan.

 

DSC_0078

DSC_0031DSC_0056DSC_0096DSC_0037DSC_0078

Previous Post

Job Placement Scheme for Female Graduates Launched in Mogadishu

Next Post

Retired Somali general calls for quick international response in Burundi

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

July 16, 2025
Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
Warar

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

July 15, 2025
Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
Warar

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

July 15, 2025
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

July 15, 2025
Next Post

Retired Somali general calls for quick international response in Burundi

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

by Ilhaan
July 16, 2025
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka Itoobiya (NISS) ayaa ku dhawaaqday inay xireen 82 qof oo lagu eedeeyay inay ka tirsan...

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

by Liban
July 16, 2025
0

Addis Ababa – Ethiopia’s national intelligence agency has announced the arrest of 82 individuals suspected of being members of the Islamic State...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

by Ilhaan
July 16, 2025
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay rabshadihii dhawaan ka dhacay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, iyadoo...

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

by Liban
July 16, 2025
0

Mogadishu – The Federal Government of Somalia has officially called on Puntland authorities to immediately halt hostilities in the Dhahar district of the...

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland
English News

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm
English News

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and Algeria Deepen Educational Ties in High-Level Diplomatic Meeting
English News

Somalia and Algeria Deepen Educational Ties in High-Level Diplomatic Meeting

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
  • Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland
  • Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
  • Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00