Cilmi baadhayaal jooga dalka South Africa ayaa xaqiijiyay in Xayawaanka weyn ee Maroodiga in uu waqtiyada qaar uu noqon karo mid uriya lana socda, waxyaaba qaraxyada ee lagu aaso dhulka.sida Miinooyinka.
Qubarada ayaa sheegaya in Maroodiga lagu tilmaami karo duurjoogtii ugu danbeysay ee kusoo biira Aadanaha, Maadaama uu ka hortagi karo Qaraxyada dhulka la isku galiyo waqtiyada uu socdo dagaalada.
Waxa ay ahayd markii ugu horeysay ee la ogaado in maroodiga uu Garankaro Qaraxyada Miinooyinka dhulka ku hoos jira, sanadkii 2002 xili uu dagaal ka socday dalka Angola, ayaa markii laga soo laabtay dagaalka, waxaa uu tilmaamooyin sax ah uu ka bixiyay Miinooyin dhulka lagaliyo, sida ay sheegeen Qubarada soo saaray Daraasadaan.
Sidoo kale waxaa la aaminsayahay ayaa la yiri, in Maroodiga uu ka leexdo goobaha uu ugu shakiyo in ay qatarta Miinooyinka ay ku aasanyihiin, halkaas oo uu naftiisa iyo dadka kaleba uu ugu baaqo in ay saameyn ku yeeshaan.
Daraasada ayaa daaha ka rogeysa in tijaabo lagu sameyay Maroodiyaal joogay Magaalo lagu magacaabo Bela-Bela, oo dhacda waqooyiga dalka Koonfur Africa, iyo Maroodiyaal jooga Magaalada Pretoria.
Xayawaanka cajiib ah ayaa waxaa uu yahay mid awood u leh in uu qaado inkabadan waxyaaba ay qaadi karaan gawaarida xamuulka, waxaana wadamada Africa qaarkood ku yahay mid laga Ugaarsado, isagoo dadka ay yaqaanaan micnihiisa iyo faa’idooyinka uu leeyahay sida uu sheegay Ashadee Kay Miller, oo ah arday cilmiga barashada xayawaan ka barta jaamacada University of Witwatersrand ee magaalada Johannesburg, oo la hadlay warbaahinta Mail Online .
Waxaa turjimay : Hassan Ali Osman Istiila