Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalkaas ayaa kulan gaar ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRISOM Stephen Townsend.
Kulanka dhexmaray Madaxweynaha Puntland iyo Jeneral Stephen Townsend oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xoojinta wadashaqeynta Taliska AFRICOM iyo Puntland.
Sidoo kale kulanka labada dhinac ayaa waxaa loo hadlay sidii loo ballaarin lahaa Iskaashiga Puntland iyo Taliska AFRICOM ee ku aadan howlgalada ka dhanka dagaalamayaasha Al-shabaab iyo kuwa Daacish ee ku sugan deegaanada maamulkaas.
Ilo-wareedyo ku sugan dalka Jabuuti ayaa sheegaya in labada dhinac ay isku afgarteen in Taliska Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM uu Saldhig Milateri ka dhigsto meel ku dhow Garoonka Magaalada Boosaaso, si ay uga ay fuliyaan duqeymaha.
Saldhiga Cusub ee uu Mareykanka ka dhisanayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa la tilmaamay inay ka howlgeli doonaan Ciidanka AFRICOM iyo Ciidanka gaarka ee ammaanka Maamulka Puntland ee PSF.