Siyaasadda Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga wadajir ayaa ka hadlay Khudbadii Madaxweyne Farmaajo Maanta uu kahor jeediyay Xildhibaanada Golaha Shacabka.
C/raxmaan C/Shakuur oo Qoraal soo saaray ayuu ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo mowqifkiisa uu sii caddeeyey, isla markaana safarkiisa Dhuusamarreeb uu yahay gacmo daalis iyo garnaclaysi.
Waxaa uu sheegay C/raxmaan in Farmaajo uu inkiray jiritaanka kaalintii ay wakiilka kaga ahaayeen Dowlad Goboleedyad Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka, isagoona siiyay Golaha Shacabka, sidoo kalena uu ku xadgudbay awood qaybsigii siyaasadeed.
Sidoo kale Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu diiday inuu soo magacaabo Ra’iisul Wasaare Cusub ee soo dhisa xukuumad xilliga kala guurka hoggaamisa.
Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray C/raxmaan C/Shakuur.
Madaxweyne Farmaajo mowqifkiisa waa sii caddeeyey, safarkiisa Dhuusamarreeb na waa gacmo daalis iyo garnaclaysi. haddii uusan Golaha Shacabka siraynin, sidii uu horay xukuumadda iyo raysalwasaaraha ugu siray in awoodda iyo talada iyagu leeyihiin.
Farmaajo wuxuu inkiray jiritaanka Aqalkii sare, kaalintii ay wakiilka kaga ahaayeen Dowlad Goboleedyadana wuxuu siiyey Golaha Shacabka. Wuxuu sidoo kale ku xadgudbay awood qaybsigii siyaasadeed, kaddib markii uu diiday in uu magacaabo Raysalwasare soo dhisa xukuumad xilliga kala guurka hoggaamisa. Hadalkiisana waa aniga ayaa labadiiba isku ah.
Cid kasta oo garasho leh way fahamsantahay in uu Dhuusamarreeb ugu socdo gar-naclaysi. Madaxweyne Farmaajo nin dhowraya heshiis lala galay maaha, sababtoo markii ay Dhuusamarreeb 2 soo dhammaatay wuxuu riday Raysalwasaarihiisii, nin Dastuur iyo sharci tixgeliyana maaha, sababtoo wuxuu oggolaaday sharci darridii lagu riday xukuumadda, issagoo magacaabayna raysalwsaare xil sii hayn ah oo aan Dastuurka meelna kaga ool.
Farmaajo shirka Dhuusmarreeb inta uusan bilaaban ayuu fashiliyey, sida keli ah ee heshiis lagu gaari karaahi waa in la helo Xukuumad la aamino iyo dammaanad qaad caalami ah oo la isku haleyn karo.
Waxaase muuqata in Farmaajo uusan weli waano qaadan, kuna kedsoon yahay, dulqaadka dadka oo uu doqonnimo iyo tabar la’aan mooday iyo qar iska tuurnimo in badan u soo shaqeysay. Ma jirto meelo badan uu ku sii dhuunto, maalmihiisuna way tirsan yihiin.