Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Maxamed Cabsdullaahi Farmaajo ayaa Maanta oo sabti ah Khudbad u jeediyay Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, kadib kulan ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Khudbadiisa uga hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid ahaayeen Doorashooyinka dalka, siyaasadda iyo Shirkii Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in horey loo gaaray heshiis siyaasadeed oo la xiriira dalka inuu aado doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna xaqiijiyay shirarkii Dhuusamareeb ee madaxda dowlad goboleedyada uu la yeeshay inuu ahaa wajiga labaad ee heshiiska.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Golaha Baarlamaanka uu matalo Dowlad Goboleedyada iyo Shacabka, isla markaana go’aan walba oo ay gaaraana ay tahay cid walba inay aqbalaan.
Isaga oo sii hadlaayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ayuu balan qaaday in heshiis walba uu lagu gaaro Shirka Madaxda ay ku yeelanayaan Magaalada Dhuusamareeb uu Golaha shacabka ku soo celinayo si ay go’aan uga gaaraan.
“Waxaa idin caddeynnaya heshiis walba inaan halkan ku soo celiyo heshiis walba oo aan la gaarno dowlad goboleedyada, si kaalintiina dastuuriga ah aad uga gaartaan” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.
Ugu dambeyn Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka uga mahadceliyay sharciyadii kala duwanaa ay ansixiyeen tan iyo markii uu furay kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka dalka.