Taliska Ciidanka Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa faah faahin ka bixiya duqeyn diyaaradeed oo shalay uu ka fuliyay Gobolka Jubbada Dhexe.
War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacday Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, isla markaana lagu burburiyay Saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen halkaas.
Sidoo kale Qoraalka AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta wax Khasaaro ah aysan kasoo gaarin dadkii shacabka ahaa ee ka agdhawaa goobta uu weerarka dhacay.
Mareykanka ayaa duqeyn diyaaradeed oo 2-dii bishaan uu ka fuliyay gudaha Degmada Jilib ku dilay xubno ka tirsan qoyska tifatiraha qeybta English-ka ee Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.
Dhinaca kale Mareykanka ayaa duqeynaha uu sanadkaan 2020 ka fuliyay deegaano ka tirsan Jubbada Dhexe waxaa uu sheegay in qaarkood duqeymaha lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab.