Maraykanka oo faraha ka qaadayo Qaxootiga ku nool Jesiiradda Nauru.

Saraakiil ka socota Waaxda Ammaanka Gudaha Maraykanka ayaa la sheegay inay qeybihii ugu dambeeyey ka wadaan Faraha laga qaadayo Qaxootiga ku nool Jesiiradda Nauru ee Badweynta Pacific oo ay Australia maamusho.

Qaxootigaasi ayaa qiray in laga qaaday faro, la cabiray dhererkooda iyo miisaankooda, kuwaasi oo loo sheegay in loo qaadi doono Maraykanka, si ay nolol cusub uga bilaabaan.

Saraakiisha Maraykanka waxaa l qorsheynayaa inay maanta dejiyaan Jadwalka Ballamada ee Qoysaska magangelyo-doonka ee ku nool Jesiiradda Qaxootiga lagu hayo ee Nauru.

Dhinaca kale, Qaxootiga looma sheegin muddada ay qaadanayso dhamaystirka hawlahooda.

Waaxda Ammaanka Gudaha Maraykanka iyo Waaxda Socdaalka ee dowladda Australia waxay ka gaabsadeen inay faahfaahin ka bixiyaan hawlaha haatan lagu baarayo Qaxootiga la filayo in ay Deganaansho ka helaan Maraykanka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa dhawaan oggolaaday Heshiis ay Maamulkii Madaxweyne Barack Obama ku oggolaadeen in deganaansho Maraykanka lag siiyo  1,250 Qaxooti ku nool Jesiiradda Nauru, oo ay Dowladda Australia diiday inay dalkeeda soo galaan.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media