Maraykanka oo sheegtay inay duqeyn ku dileen xubno ka tirsanaa Xarakadda Alshabaab.

War Saxaafadeed uu soo saaray Taliska Milliteriga Maraykanka ka joogo Qaaradda Afrika ee US AFRICOM ayaa lagu sheegay inay duqeyn ku dileen Taliye ka tirsanaa Alshabaab iyo 3 Dagaalyahan oo la socotay, waa sida ay sheegteen.

Duqeynta Diyaaradeed ayaa la sheegay inay maalintii Isniinta ee la soo dhaafay ka dhacday Tuulladda Kanjaron oo ku dhow magaalladda Kismaayo, kuna dileen Sarkaal ay magaciisa ku soo koobeen Bashiir Dheere.

Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Afrika waxay kaloo sheegteen inay Duqeyntaasi dhacday, kadib, markii ay Dagaalyahanno Alshabaab soo weerareen La-taliyayaal Maraykan oo la socday Ciiddan Somali ah.

Ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya Sheegashada ka soo baxday Taliska Milliteriga Maraykanka ee US AFRICOM.

©Radio Dalsan

 

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor