CPJ oo ku baaqday in Baaritaan lagu kalsoon karo lagu sameeyo dilkii Weriye C/casiis M. Cali Xaaji

Guddiga Badbaadada Suxufiyiinta Caalamka ee  (Committee to Protect Journalists (CPJ) ayaa ka codsatay Maamulayaasha Soomaalida in Caddaaladda la hor keeno dadkii ka dambeeyey dilkii Weriye C/casiis Maxamed Cali “Xaaji”, kaasi oo shalay galab lagu dilay Xaafadda Towfiiq ee Degmadda Yaaqshiid ee magaalladdan Muqdisho.

Wakiilka CPJ ee Bariga Afrika, Murithi Mutiga ayaa sheegay in loo baahan yhaay inay Mas’uuliyiinta Soomaalida sameeyaan Baaritaano lagu kalsoonaan karo iyo in la soo maxkamadeeyo dadkii ka dambeeyey dilka Weriyahaasi.

“Dilka Weriyahaasi waa inaan la oggolaanin inay kor u sii qaato Dembiilayaasha dila Suxufiyiinta ee aan la soo taagin Maxkamadda” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Xafiiska CPJ ee Bariga Afrika.

Sidoo kale, Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa cambaareeyey Dilkaasi, waxayna ugu baaqeen Hay’addaha Ammaanka ee Dowladda Federalka inay baadi-goobaan, lana soo taago Sharciga  dadkii ka dambeeyey dilka Weriyahaasi.

Guddoomiyaha Ururka NUSOJ, Maahir Jaamac Aadan ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin weeraradda sii socda ee lagu hayo Suxufiyiinta ka hawlgala gudaha Somalia, wuxuuna tilmaamay inaan la oggolaan Karin falalkaasi.

Dalka Somalia waxa uu safka hore ugu jiraa dalalka lagu dhibaateeyo Suxufiyiinta, iyadoo in ka badan 50-Saxafi lagu dilay 20-kii sanno ee la soo dhaafay.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor