Milliteriga Maraykanka ayaa sheegay inay guddoonsadeen inay xaqiijiyaan dagaalkooda ka dhanka ah Al-Shabaab iyo cabsida ay Kooxda Daacish ku hayaan Somalia.
Hadalka Milliteriga Maraykanka ayaa soo baxay, kadib, markii hal Askari oo Maraykan ah Jimcihii lagu dilay dagaal ay Ciiddanka Maraykanka iyo kuwa DFS la galeen Alshabaab, kaasi oo ka dhacay Deegaanka Sanguuni ee duleedka Kismaayo.
Taliyaha Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM, Jeneral Thomas Waldhauser waxa uu sheegay inay Ciiddanka Khaaska ee Maraykanka sii wadi doonaan inay Ciiddanka AMISOM kala qeyb galaan sidii loo wiiqi lahaa waxa uu ugu yeeray Cabsida Kooxaha Xag-jirka ee ku sugan Geeska Afrika, waa sida u uhadalka u dhigay.
Hadal-qoraal oo uu Taliyaha Taliska AFRICOM soo saaray waxa uu ku sheegay in Istaraatijyadda Maraykanka ee Bariga Afrika tagay sidii loo dhisi lahaa Awoodda AMISOM iyo Ciiddanka DFS ee looga hortegi lahaa colaadaha ay Kooxaha Xag-jirka ku doonayaan inay ku waxyeeleeyaan Gobalka, Qaaradda Europe, isla markaana doonaya inay ugu dambeyn waxyeello gaarsiiyaan dalka Mraaykanka, waa sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale, Taliyaha Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM, Jeneral Thomas Waldhauser waxa uu ka hadlay Askartii Maraykanka ee lagu dhaawacay Dagaalkii Alshabaab kula galeen Sanguuni, wuxuuna tilmaamay in Askartaasi lagu daaweeyey Kenya, isla markaana ay sugayaan sidii loogu qaadi lahaa daaweyn dheeraad ah
Hadalka Sarkaalkaasi ayaa yimid, kadib, markii Askari Maraykan ah la dilay, 4 kalena lagu dhaawacay Dagaalkii Jimcihii ka dhacay Deegaanka Sanguuni oo qiyaastii 350 KM dhanka K/galbeed kaga toosan magaalladda Muqdisho..
Si kastaba ha ahaatee, Taliska AFRICOM waxay sheegeen inay doonayaan inay Ciiddanka DFS iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda la wareegaan Ammaanka Somalia marka ay Ciiddanka AMISOM kala wareegaan Mas’uuliyadda Ammaanka Somalia.