Maamulka gobolka Banaadir ayaa Maanta waxa uu bur burin kula dhaqaaqay dhismaha Piazza Libera ee Ceelgaabta halkaas oo Xarun u aheyd shirkada ECCO oo ka Shaqeysa Nadaafada.
Howlaha burburinta dhismaha waxaa goobjoog ka ahaa gudoomiyaah Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho eng,Cabdiraxaman cumar Cismaan Yariisow,iyo masuuliyiin kale,waxana dhismaha Xaruntaas uu ahaa mid danguud.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo goobta ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in sababta dhismaahaas loo bur buriyey ay tahay in sideedii hore loogu soo celiyo maadaama uu yahay dhul Shacabka Soomaaliyeed ka dhaxeeyo.
Markii la doortay duqa Muqdisho Eng,Cabdiraxmaan Yariisow ayaa waxa uu soo saarey Wareegto uu ku joojinayey dhismaha Xaruntaas,isaga oo fulinayey amar ka soo baxay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.