Taliska Ciiddanka Maraykanka ugu qaabilsan Qaaradda Afrika ee AFRICOM waxay shegeen inay 4 ka tirsan Alshabaab ku dileen Duqeyn bishan 4-dii ka dhacday Deegaanka Aw-dheegle ee Gobalka Sh/hoose.
Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayey ku sheegeen inay Duqeyntaasi timid, kadib, markii ay Dagaalamayaasha Al-Shabaab soo weerareen Ciiddamo Maraykan iyo kuwo Somali ah, oo hawlgal Khaas ah ka fulinayay degmada Aw-dheegle.
Waxay kaloo sheegeen inay sii wadi doonaan inay kala shaqeeyaan saaxiibadooda Soomaaliya sidii mas’uuliyadda Ammaanka ee Xilliga dheer ee Somalia ay Ciiddanka Hawlgalka AMISOM ku wareejiyaan DFS iyo Maamul-gobaleedyadda, waa sida ay hadlka u dhigeen.
Mareykanka ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxa uu kordhiyay duqeymaha dhinaca circa ah,waxaana dhowr todobaad kahor duqeynmo is xig-xigay uu ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Mudug.