Safaaradda Maraykanka ku leeyahay magaalladda Addis Abeba waxay soo saartay Digniino dhanka Ammaanka ah, waxaana dadka Maraykanka looga digay inaysan u socdaalin qeybo ka mid ah dalka Ethiopia.
Qoraalka waxaa lagu sheegay in Heerka Ammaanka ee qeybo ka mid ah Ethiopia uu yahay Heerka 2-aad, waxaana Muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan dalkaasi lagu booriyey inay feejignaadaan dheeraad ah muujiyaan.
Safaaradda waxay kaloo ka digtay inay Muwaadiniintooda u socdaalaan qeybo ka mid ah dalkaasi iyo inay Gobalka Soomaalida kala kulmi karaan khatar Colaadeed, Argagixiso, Afduub iyo miinooyinka dhulka lagu aasay, waa sida hadalka loo dhigay.
Hadalka qoraalka ee ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ee magaalladda Addis Abeba waxaa kaloo lagu muujiyey inay suurtogal tahay inay weeraro Argagixiso iyo Afduub ka dhacaan Gobaladda Ismaamulka Soomaalida ee Bariga Ethiopia.
Waxaa kaloo lagu sheegay Qoraalka inay dhici karto Hawlgalo Milliteri oo ay soo qaadaan Kooxaha Hubeysan ee ku sugan Gobalka Ogaadeeniya iyo Deegaanka Harargey.
Waxaa kaloo laga digay weeraro Argagixiso oo ka dhici kara Koonfurta Ethiopia, Galbeedka Gobalka Oromiya iyo Deegaanadda la deriska ah ee ay deggaan Qowmiyadaha Benishangul iyo Oromadda.
Dhanka kale, Madaxda Is-maamulka Soomaalida Ethiopia ayaa u muuqanin inay ku faraxsan yihiin Digniinta dhanka socdaalka ee ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ee Addis Abeba.