Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, John Kerry oo haatan booqasho ku jooga magaalladda Nairobi ayaa ku dhawaaqay inay Dowladda Kenya sannaadkan ugu deeqi doonaan 25 million oo Dollar, taasi oo loo adeegsan doono Doorashadda Madaxtinimadda Kenya ka dhici doonta sannadka soo socda ee 2017-ka.
John Kerry waxa uu soo dhaweeyey Isbedelka lagu sameeyey Guddiga Doorashadda Kenya, wuxuuna ugu baaqay Siyaasiyiinka Kenya inay si nabad ahu xaliyaan Khilaafkooda, si ay u qabsoonto Doorashadaasi.
©Radio Dalsan