Dhageyso:-Wararkii u dambeeyey dagaalka dhacay duleedka Balcad iyo Ciidamada oo la wareegay…

Wararka nagas oo agaraya Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay manta la waregeen deegaano dhowr ah oo ay horay ugu sugnaayeen Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa howgalka waxa ay intiisa badan ka sameeyeen sida ay Saraakiisha hoggaamineysa sheegeen deegaanadda earciise Qurac Madoobe Warciise iyo Aqabduco oo ay horay ugu sugnayeen Al-Shabaab.

Saraakiishu weli wax faah faahin dheeraad ah kama sii bixin howlgalkaas,wallow ay sheegeen in ay deegaannadaas la wareegeen.

Dhinaca kale gaari nooca Cabdi Bilaha loo yaqaano oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan milateriga soomaaliya  ayaa waxaa manta lagu weeraray halka loo yaqaano Buundad Ilbiq oo u dhaxeysa tuulada gololeey ee degmada Balcad iyo deegaanka Qalimow,waxana la sheegay in weerarkaas uu dhaliyey khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gaariag Wadada loo galay ayaa waxaa saarnaa Ciidamo Milateri ah oo ku soo socday Magalada Muqdisho,kaas oo uu watay Sarkaal Magaciisa lagu sheegay Muqtaar Jareer.

Al-Shabaab ayaa bogga ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku qoreen in weerarkaas ay ku dileyn Saddex Askari,isla markaana ay ku gubeyn gaari nooca dagaalka ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Warbixin uu Jowhar ka soo diray Wariyaheena Xasan Cabdullaahi cabdulle.