Wasiiru-dowlaha Arri,aha Dibedda ee Imaaraadka, Anwar Gargaash ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin Warar soo baxay maanta ee lagu sheegay inay Xiiwsadka dhex aloosan tahay Imaaraadka iyo Sacuudiga.
Qoraal uu soo dhigay Barta uu ku leeyahay Twitter-ka ee ah @AnwarGargash ayuu ku sheegay inay Warkaasi faafiyeen Wargeyska Al-khabar ee ka soo baxa Lubnaan iyo Wakaalladda Wararka Iiraan ee Fars News Agency iyo Warbaahino kale.
Warbaahinta ayaa maanta qortay in la helay Dukumentiyo sir ah oo muujinaya inuu mugdi soo kala dhex galay Dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga.