Dhageyso:-Taliska Booliiska Soomaaliyeed oo amray in la soo qabto Askari Saldhig ku dhex dilay qof Shacab ah

Habeen ka hor ayaa waxaa Saldhiga Booliiska degmada Hurwaa ee Gobolkaan Banaadir lagu dhex dilay Qof Shacab ah,kaas oo lagu eedeeyay dilkiisa in uu amray taliyaha Saldhiga degmadaas.

Cabashada ka timid Ehelada Marxuumka la dilay oo lagu Magacaabai jiray Abshir Cabdullaahi Axmed oo aheyd in aan la aasi doonin Meydka ilaa laga soo qabto qofkii ka dambeeyay dilkaas ayaa waxa ka jawaabay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Cabdixakiin Daahir Siciid Saacid,ayaa marka hore waxaa looga tacsidayeeyay Marxuumka Eheladiisa in uu samir iyo Iimaan Eebe ka siiyo.

Sidoo kale wareegtada ayaa waxaa lagu amray in ay Ciidamadu Gacanta ku soo dhigaan cid alaala iyo cidii ka dambeeysay dilkaas hadii uu joogo Muqdisho iyo hadii uu joogo Gobolada dalka intaba.

Wareegtada ayaa waxaa Warabahinta u Akhriyay Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble.

Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka