Dhageyso:-Shir uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo oo Maanta ka furmaya degmada Matabaan

Degmada Mataaban ee gobolka Hiiraan ayaa lagu wadaa in Sabtida Maanta ah uu ka furmo shir lagu nabadeynayo laba beelood oo horay ugu wada dagaalamay deegaano ka mid ah gobolka Hiiraan.

Magalada Matabaan waxaa gaaray Odayaal ka yimid  Magalada Baladweyne,Masuuliyiin ka tirsan Wasaaraddaha Maamulada Galmudug iyo hir-Shabeelle sidoo kale Xildhibaannada labada Maamul iyo waxgarad kale.

Guddoomiyaha degmada Matabaan Xuseen Salaad Ibraahim ayaa sheegay in shirkaas ay diyaar u yihiin in ay fududeeyen waxyaabaha ugu macquulsan ee loo baahan yahay, si xal looga gaaro dagaaladii dhacay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shirkan uu rajeynayo in xal waara looga gaaro dagaaladii dhexmaray labadaasi beelood,iyaga oo qaadayana nabadii uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirkan Maanta ka furmaya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa waxa uu muhiimad gaar ah u leeyahay dadka ku nool deegaannadii lagu dagaalamay ee Gobolkaasi Hiiraan,dagaaladaas oo sababay dhimashada iyo barakaca Shacab farabadan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Degmada Matabaan.