Kadib xilka qaadistii Saddex ka mid ah Xubnaha Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa weli siyaabo kala duwan uga hadlaya xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Sanoter Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka mid ah Xubnaha qalka Sare ayaa sheegay in xilka qaadistaas ay aheyd mid loo fiirinayay dan Shaqsiyadeed basle aysan aheyn mid danta guud e dalka iyo dadka.
Waxa uu sheegay in sababta xilalka looga qaaday aysan aheyn in ay isbedel ka sameeyaan xiisadaha Siyaasadeed ee dalka ka jira balse qorshuhu uu yahay mid Shaqiyadeed oo sabab u noqotay xilka qaadistaas.
Tallaabadan ayaa wax uu shegay in aan wax isbedel weyn oo buuran inaysan ku keni Karin khilaafyada Siyaasadeed ee waqtiagan dalka ka jirta.
Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo waxaa bilaawday mucaaradyo kala duwan oo uga imaanaya Siyaasiyiin Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo qeybaha kala ee Bulshada.
Hoos Ka Dhageyso Codka Sanoter-ka.