• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Sunday, July 13, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

RW Cumar oo ka qayb galay xuska sanad guuradii kowaad ee Idaacada Codka Ciidamadda

Dalsan Editor by Dalsan Editor
July 9, 2015
in Warar
Reading Time: 6 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka qayb galay Munaasabad lagu xusayay sanad-guuradii 1-aad ee aas-aaska Idaacadda Codka Ciidamadda Qalabka sida oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, waxana sidoo kale munaasabadda ka qayb galay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, taliyeyaasha Ciidamadda qalabka sida iyo masuuliyiin kale.

Ugu horeyn, waxaa munaasabadda ka hadlay Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya S/G Daahir Aaden Cimi, waxana uu xusay mudadii ay jirtay Idaacadda Codka Ciidamadda in ay door wayn ka qaadatay xog gaarsiinta qaybaha Ciidamadda, isagoo xusay in dhawaan Idaacadda la gaarsiin doono gobollada dalka. Taliyaha ayaa geesta kale ku ammaanay maamulka iyo masuuliyiinta idaacadda sida ay uga go’an tahay horumarinta Warbaahinta Ciidamadda.

Wasiirka Gaashaandhigga Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa sheegay in yoolkii loo aas-aasay Idaacadda ay ku socoto, Wasaaradda Gaashaandhiguna ay qaadan doonto doorkeeda kaga aadan horumarinta Idaacadda, si loogu baraarujiyo qaybaha kala duwan ee ciidamadda waajibaadka saaran.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashid Cali Sharmaarke, oo munaasabadda ka hadlay ayaa boggaadiyay shaqada ay qaranka u hayso Idaacaddu, wuxuuna tilmaamay Xukuumaddu in ay u diyaarin doonto maaliyadda lagu kabo isla markaana laga doonayo maamulka Idacaddu in ay horey usii dhaqaajiyaan shaqada ay hayaan.

“Xukuumaddeydu waxay diyaarinaysaa Miisaaniyaddii ay dowladdu ku shaqayn lahayd, waxaan qoondo u sameyn doonaa horumarinta warbaahinta gaar ahaan tan Ciidamadda oo mudadii ay jirtay muujisay doorkeeda, waxaa ii muuqda in guul laga gaaray hadafkii loo sameeyey Idaacadda Ciidamadda”ayuu yiri R.Wasaare Sharmaarke.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Xukuumaddu qorshayaal badan oo qaranka lagu horumarinayo diyaarisay, iyadoo dhawaan guul laga gaaray dhismaha Maamulka Gobollada dhexe iyo guddiyadii heer qaran ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka oo Baarlamaanku meel mariyeen.

—DHAMMAAD—

Afhayeenka Xukuumadda F. Soomaaliya
Abdisalam Ahmed Ato
E-mail: [email protected]
Tel: +252-6162-64800
Twitter: SomaliPM

20150708 151648
20150708 151654
20150708 151850
20150708 151858
20150708 151934
20150708 155336
20150708 161127
20150708 161536
Previous Post

Hawlgalka Atlanta oo sheegay inaysan jirin Maraakiib lagu qafaashay Xeebaha Somalia

Next Post

Garsoore Maraykan oo laalay qorshe lagu sii dayn lahaa dhallinyaro Somali ku biiri lahaa Daacish

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
Warar

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

July 13, 2025
Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
Warar

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

July 13, 2025
Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
Caalamka

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

July 13, 2025
Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan
Warar

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

July 12, 2025
Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya
Warar

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya

July 12, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan

July 12, 2025
Next Post

Garsoore Maraykan oo laalay qorshe lagu sii dayn lahaa dhallinyaro Somali ku biiri lahaa Daacish

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

by Ilhaan
July 13, 2025
0

Ciidamada ammaanka magaalada Gaalkacyo ee dhanka Galmudug ayaa xalay fuliyay howlgal ballaaran oo lagu xoojinayo amniga magaalada. Howlgalkan ayaa waxaa...

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

by Ilhaan
July 13, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qaybgalay kulan lagu dhiirigelinayay doorka muhiimka ah ee haweenka Puntland ay ka...

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

by Ilhaan
July 13, 2025
0

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa caddeeyay in dalkiisu si buuxda oo aan shuruud lahayn u taageerayo mowqifka Ruushka...

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

by Ilhaan
July 12, 2025
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Najiib, ayaa sheegay in shirweynaha la filayo inuu ka qabsoomo...

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
Warar

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
Warar

Madaxweyne Deni: "Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac"

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
Caalamka

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan
Warar

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya
Warar

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
  • Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
  • Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
  • Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00