Maalmihii la soo dhaafay waxaa xirnaa isku-socodka Wadooyinka qaar ee muqdisho taas oo loo diidayey in ay Gaadiidka isticmaalaan,waxana cabasho ka muujiyey Shacabka ku nool Gobolkaan Banaadir.
Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa sheegay in xirnaanshaha Wadooyinka iyo baaritaanada waqtiga dheer qaata looga gol leeyahay sugida amniga Caasimadda,isla markaana Shacabka looga dhankooda baahan yahay in ay dul qaataan.
“Aniga oo ku hadlaya magaca taliyayaasha ciidamada,waxan shacabka uga mahad celinayaa dulqaadka ay muujiyeen waan ogahay in ay dhibtahay waqtiyo badan qaadato meeshii la aadi jiray sababtoo ah in baaritan badan baabuurta lagu sameeyo,waxan idiin balan qaadayaa in aan sii dardar gelin doono howlaha baaritaanada inta laga gaarayo in aan loo baahan baaritaan badan oo uu amniga soo hagaago laakin inta laga gaarayo waa in shacabku ay dul qaataan ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Sikastaba xirnaanshaha Wadooyinka qaar ee Muqdisho ayaa maal mahaan saameyn badan waxa ay ku yeelatay Shacabka Soomaaliyeed oo u diyaar garoobayo maalinta ciidul fidriga,waxana madaxweyne Farmaajo uu horay u amray in Shacabka Wadooyinka loo furo balse aan la fulin.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.