Ciyaartoyda K/cagta ee ku ciyaaraysa magaca Maamul-gobaleedka Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa sheegay in laga soo saaray Hoteelkii uu Maamulka Gobalka Banaadir dejiyey, isla markaana loo diiday inay ka cunteeyaan.
Guddoomiyihii hore ee Sport[ga ee Gobalka Sh/dhexe, Abshir Buush oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay in Ciyaartoyda loo diiday inay ka cunteeyaan Hotelka Mogadishu Guest House ee kaabiga ku haya Xeebta Liido, isla matkaana
Waxa kale oo uu xusay inay Ciyaartoyda haatan dulsaar ku yihiin dad kale oo ku nool Xaafadaha Muqdisho, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay Ciyaartoyda khatar ugu jiraan inay Hay’addaha Ammaanka ka shakiyaan, maadaama ay ku cusub yihiin Muqdisho.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Sport-ga Gobalka Banaadir, Xasan Aadan Yabarow “Wiish” ayaa beeniyey Cabashadda ka soo yeertay Ciyaartoyda K/cagta ee ku ciyaaraysa
Xasan Wiish oo la hadlay Radio Dalsan waxa uu sheegay in uu caqabadu ka dhalatay, kadib, markii tiro ka badan Tiradii loo cayimay Ciyaartoydaas bilaabeen inay ka cunteeyaan iyo inay seexdaan Hotelka Mogadishu Guest House .
Waxa uu intaasi ku daray in Maamulka Sportga Gobalka Banaadir dhigeen Qorshe lagu cayimay tirada Ciyaartoyda Maamul-gobaleedyadda ee ka qeyb galayo Tartanka K/cgta ee Maamul-gobaleedyadda oo maalmahan ka socday Garoonka Conis Stadium ee magaalladdan Muqdisho.
©Radio Dalsan