Diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee ku aadan Munaasabada Calemo-Saarka madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Geelle Ducaale (Xaaf) ayaa haatan ka socota Magaalada Cadaado.
Masuuliyiin ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Somaaliya kuwa Maamul goboleedyada iyo waliba Xubno ka socda Beesha Caalamka ayaa ku sii qul qulaya Magaalada Cadaado,si ay uga qeyb galaan munaasabada Caleemo-Saarka.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Munaasabadda oo Goobjoog ka noqon doono Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo) iyo dhamaan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada ka jira dalka.
Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Maamulka Galmudug ayaa amaanka xaqiijinaya iyadoo lagu arkayo Wadooyinka waweyn ee Magaalada Cadaado.
Sawiro