Dagaalkaan ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya ee Xaafada Oodweyne.
Qof ka mid ah dadka ku nool Xaafada Oodweyne ayaa Dalsan u sheegay in dagaalka ka hor ay maqleen dhawaqa bambaanooyinka nuuca Gacanta laga tuuro intaas kadibna uu bilaawday dagaal kooban oo u dhaxeyay ciidanka dowladda iyo raggii soo weeraray.
Goobjoogaha masheegin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas iyo cidda ka dambeysa welin dhankooda kama aysan hadlin talisyada Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan kuwooda ku sugan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Goobjoogaha.