Japan oo laga helay Meydadka dhowr qof oo uu Gaarigooda kula quusay badda

Warbaahinta Gudaha ee dalkaasi ayaa sheegtay in maanta la soo saaray maydadka 4 qof oo uu gaari kula quusay Dekedda magaalladda Akune ee K/galbeed ee dalkaasi.

Kalluumeysatada Deegaanka ayaa la sheegay inay gunta badda kaabiga ku haysa Dekeddaasi ka soo saareen maydadka 3 nin oo 2 ka mid ah aan weli qaan-gaarin iyo haweeney, kuwaasi oo la socday gaariga la quusay.

Boliska waxay baarayaan waxa sababay shilkaasi iyo in gaarigii ay dadkaasi la socdeen uu badda ku quuso.

 

Comments
Loading...