Magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay ka taagnaa xiisad ka dhalatay afar maxbuus oo ku eedeysnaa inay ka tirsanaayeen al-Shabaab oo xabsiga lagala baxay 23-kii bishan, laguna toogtay magaalada banaankeeda iyagoo aan la xukumin maxkamadna la soo taagin.
Saddex ka mid ah raggan la toogtay ayaa muddo toddoba bilood ah ku xirnaa xabsiga Beledxaawo, islamarkaana mid kale oo la qabtay 23-kii bishan, ayaa isla maalintaas raggan kale lala toogtay.
Faadumo Khaliif Cabdi, waxa ay walaalo yihiin Faarax Khaliif Cabdi oo raggaasi ka mid ah,waxa ayna sheegtay in Walaalkeed uu ahaa Nin ku Shaqeesta Gaari islamarkaana waligiis uusan u Shaqeyn Al-Shabaab.
Waxa ay hadalkeeda intaas raacisay in Walaalkeed si Beel ahaan ah loo dilay islamarkaana xiligii la qabanayay ay Goobjoog aheyd uuna ku sugnaa Isbiatalka Baladxaawo Sisharcidaro ahna loo dilay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Faadumo Khaliif Cabdi