Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen Qaraxyo, kadib howgallo qorsheysan oo ay fuliyeen.
Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Zakiya Xuseen oo soo saartay Qoraal ayaa sheegtay in ay Ciidanku ay burburiyeen miino nooca dhulka lagu aaso ah, taasoo laga helay agagaarka jidka 21 October.
Waxaa ay intaas ku dartay in xogta Qaraxa ay ka war heleen laamaha ammaanka, oo sdia ay sheegtay garab ka helaya dadka shacabka ah.
“Taliska Ciidamada Boliiska G/Banadir oo kaashanaaya ciidamada Miino Baarista Boliiska ayaa ku guuleystay qabashada iyo burburinta miino nooca dhulka lagu aaso taasoo laga helay agagaarka jidka 21 October. Qabashada miinada waxaa suurtagaliyay shacabka oo xogta nala soo wadaagay” ayay tiri Generaal Zakiya.