Maamulka gobolka Gedo ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in dhamaan Msuuliyiintii Maamulka Degmada Balad Xaawo Xabsiga loo taxaabay ayna xiran yihiin kadib markii ay si ulakac ah iyada oo aan wax Maxkamad ah soo taagin ay dileen Afar ruux.
Cismaan Nuur Xaaji Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Gedo oo Waresi siiyay Radio Dalsan Muqdisho ayaa sheegay in Saddexda Masuul ee loo xiray dilkaas haatan ay ku jiraan Gacanta Jubbland.
Waxa uu sheegay in Masuuliyintaas iyada oo aan wax Maxkamada ah soo taagin ay Afartaas qof dileen islamarkaana uu rajeynayo in dhawaan sicadaalad ah loo Maxkamadeeyo sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in ay la xiriireen Ehelada Marxuumiintii la dilay islamarkaana haatan ay ku qanacsan yihiin in ay Cadaalad helaan dadkii laga dilay.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiye ku xigeenka