Dagaalkii ugu Cuslaa oo ka dhacay Guriceel iyo wararkii ugu dambeeyay xaaladda Caawa

Wararkii ugu dambeeyay ee Caawa aan ka heleyno Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka socdo dagaal goos-goos ah oo u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna.

Dagaalkan ayaa waxaa uu sigaar ah uga socdaa halka loo yaqaano Jaamacadda iyo xaafaddo kale oo ka tirsan Guriceel, isla markaana waxaa uu yahay dagaalkaas mid culus oo dhinacyada ay isugu kala jiraan dhufesyo adeg.

Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca oo helay gurmad Ciidan ayaa galabdhicii galabta weerar ku qaaday Ciidanka dowladda ee ku sugan agagaarka Saldhiga Booliska, waxaana halkaas ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka fud fudud iyo midka Culus intaba.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac badan oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya ayaa ka dhashay dagaalka socda, iyadoo la sheegay inay dhinteen Saraakiil Ciidan oo ka kala tirsan Ciidanka dowladda, kuwa Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca.

Si rasmi ah looma oga khasaaraha inta uu la egyahay, waxaana Isbitaalada iyo Xarumo Caafimaad kale la gaarsiiyay dad qaba dhaawacyo kala duwan oo isugu jira Askar, Saraakiil Ciidan iyo dad shacab ah, mana jirto cid madax banaan oo khasaaraha xaqiijin karta.

Dhinacyada dagaalamaya ayaa Caawa ku kala sugan halkii uu galabka ugu dhacay, waxaana la sheegay in galabta Ciidamo hor leh oo gurmad ahaan u socda ay ku biireen Ciidanka dowladda Federaalka, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalka uu berri galo maalintii saddexaad.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor